Saabiriin Dhowre iyo Idiris Elba oo ku baaqay in la maalgashto Wadamada Saboolka

Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre Elba,ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hogaamiyayaasha siyaasada in ay taageero dheeri ah siiyaan Wadamada ugu saboolsan aduunka qaab maalgashi halkii ay ka caawin lahaayeen.

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay buurta loo dalxiis tago ee Davos ee Switzerland, ayaa Elbas labadaba lagu sharfay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Lamaanahan oo ah safiirrada niyad-wanaagga u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta beeraha, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir-madaxeedka sannadlaha ah in si degdeg ah loo taageero Dadka ay saamaysay Cunto yari iyo isbeddelka Cimilada.

“Dadka saboolka ah ee adduunku kaliya ma raadinayaan gargaar iyo deeqo, waxay raadinayaan maalgashi,” Idris Elba,ayaa yiri.

Sabrina oo Soomaali ah ayey seygeeda Idris Elba isku barteen makhaayad ku taalla magaalada Vancouver ee dalka Canada, sanadkii 2017 kadibna waxaa dhexmaray xiriir jaceyl oo muddo socday.

Somaliya,ayaa ka mid ah Waddamada Saxara Afrika ka hooseeya ee saboolka ah waxayna heshaa teegeero dhaqaale oo badanaa ku soo gaara gargaar iyo taageero ay dawladdu ka hesho beesha caalamka iyo dalalka Somaliya daneeya.