Weerar ka dhacay duleedka Los-Angeles oo Dad badan ku naf waayeen

Sagaal Qof,ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday Goob Ganacsi oo ku taal magaalada Monterey Park ee Gobolka California, sida ay Boolisku sheegeen.

Dhacdadan,ayaa dhacday abaaro 22:20 wakhtiga maxaliga ah ee sabtida (06:20 GMT ee Axada).

Kumanaan Dad ah,ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay magaalada Monterey Park ee dabbaaldegga sanadka cusub.

Booliska,ayaan weli sheegin tirada dadka ku dhaawacmay toogashadaasi, iyo haddii ay dad u soo qab qabteen.

Booliska degmada Los Angeles ayaa sheegtay in Qofka latuhunsanyahay uu yahay Nin.

Magaaladan,ayaa ku taal qiyaastii Sideed Mayl ama 13km dhanka Bari ee Magaalada Los Angeles.