Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir Ee Alshabaab kusoo qaaday oo lasoo afjaray

Ciidamada ammaanka Muqdisho,ayaa soo afjaray weerarkii ay maanta Al-sbabaab kusoo qaadday xarunta Gobolka Benaadir, ahna xafiiska duqa Muqdisho.

Shan qof oo uu ku jiro agaasimihii waaxda dadka baahiyaha gaarka ah ee Gobolka ayaa ku dhintay weerarkan sida uu xaqiijiyay Saalax Dheere.

Weeerarkan oo ku bilowday qarax,ayaa waxaa sheegtay masuuliyaddiisa ururka Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir.