Odhinga oo ku dhawaaqay in uusan aqoonsanayn Dowlada Ruto

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray “natiijo sharci darro ah” oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore.

Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku dhisneyn.

“Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta.”

Mr Odinga ayaa sheegay in isbahaysigiisu ay dalbanayaan in lasoo bandhigo dhammaan xogihii aasaasiga ahaa ee doorashadii 2022 ay ka sameeyeen guddiga doorashada ee IEBC markaas ka dibna uu guddi kale oo dhexdhexaad ah dib u eego.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada,”Ayuu yiri Raila Odinga.