Macno ma uleeyahay Somaliya ka mid noqoshada Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika?

Wax kasta waxaa ka muhiimsan Amniga iyo Lacagta Wadanka xiligan oo xal loo helo.

Labadaas marka laxaliyo,ayaa suuq yada ganacsi ee Afrika wax tar gaara inoo yeelan karaan.

Wallow hada lafteeda aan laga maarmin balse danta Dadkeena iyo Dalkeena ayaa kahoraysa wax kasta.

Dowlada Fadaraalka,waxaa laga rabaa sharciga ganacsiga iyo isku socodka Gobolada Somaliya in ay marka hore fur furto.

Dalku Lacag ugaar ah oo loogu soo hagaago laguna midaysan yahay in uu yeesho,ayaa iyaduna muhiim ah.

Dastuurka Fadaraalka wax badan oo dartiis uxaniban,ayaa jira isagana in la dhamaystiro lagana wada hadlo waa Qodob lama dhaafaan ah.

Xubin ka noqoshada Suuqa Bulshada Bariga Afrika,waxaa ka macno badan in Somalidu marka hore iyadu is aqbasho oo yeelato Xeerar Ganacsi oo mideeya.

Jibril Qoobey.