Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Wadooyin xariga ka jaray kuwa kalana dhagax-dhigay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray
wadada Jidka Sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi oo la dhammaystiray 1.5KM oo balaceedu dhan yahay 30M

Madaxweyne Deni ayaa isla maanta dhagax dhigay dhismaha 3.5KM oo lagu daridoono wadada jidka sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi wax weyn ka taridoonta isu socodka dadka, ganacsiga, bilicda iyo horumarka.