Mareykanka oo xubno Shabaab ah ku dilay weerar ka dhacay Xarardheere

Militariga Mareykanka,ayaa sheegayi in dukheyn cusub oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM),ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo Ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 ka mid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Somaliya.

AFRICOM,ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 ka mid ah Al-Shabaab.

Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidamada dowladda Somaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

VOA.