Video:-Khamri fara badan oo lagu burburiyay Magaalada Garowe

Ku dhawaad 1000 Dhalo oo Khamri ah ayay burburiyeen Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo ay Ciidanku qabtaan Khamri iyo Xashiish soo galay Gudaha.

Khamriga iyo Xashiishka kusoo badanaya gudaha Puntland waa Aafo mustaqbalka meel xun gaarsiinaysa hiigsiga deegaanka iyo maalgashiga balaaran ee kasocda gudaha Puntland.

Waxay dhiiri galiyaan kana mid yihiin waxyaabaha Dilalka iyo amni xumada keena.

Reer Puntland haday horumar rabaan waa in ay Khamriga iyo Xashiishka xeer iyo ciqaab adag kasoo saaraan.

Sidoo kale Dowladaha Itoobiya iyo Kenya waa in lala kaashadaa ka hortaga Maandooriyaha.

Guud ahaan Somaliya qul-qulka Mukhaadaaraadka waa dhib ka taagan oo waxa ugu yar oo lagala kulmo waa Askarta iska laysa Shacabka.

Halkan ka daawo muuqaalka