Agaasimihii ragaadka ku ahaa Wasaarada Caafimaadka PL oo xilkii laga qaaday

In laga kaxeeyo Wasaarada Caafimaadka Agaasimahan waxay qayb ka tahay waxqabadka Xukuumada Deni ee Afarta sano.

Xaqiiqdii hadii Qof nool loosoo qaadan karo Musuq iyo arxandaro waa uqslmaa Agaasime Cabdirisaaq in tilmaan laga dhigto.

Xilka qaadista kaliya yaan looga harin ee halala xisaabtamo.

1.Shahaadada Dhakhtarnimada uu sheegto hala dul istaago?

2.Isbitaalka uu ka samaystay dhaqaalihii Mashaariicda Bulshada hala qabto?

3.Farmasiga uu ka furtay Dawada Wasaarada hala xanibo?

Guryaha iyo Boosaska uu ka gatay Lacagta Talaalka Wasaarada Garsoorku hala hakiyo?

Eedayntaydu ma’ahan iska hadal ee cadaymo muuqda iyo kuwa qarsoon ayay leedahay.

Waa hubaa tagidiisa in ay wax weyn ka badalayso Shaqada Wasaarada oo laga raysan doono.

Cabdirisaaq waxuu ka mid yahay Agaasimayaal dhawr ah oo Dhiiga Shacabka ku naaxay oo mudnaa in lala xisaabtamo.

Jibril Qoobey.