Hay’adda deeqaha dibadda Sweden (SIDA) iyo hay’adaha kala shaqeeya barnaamijka doorashooyinka Puntland oo kulmay

Hay’adda deeqaha dibadda ee dalka Sweden (SIDA) iyo hay’adaha kala shaqeeya barnaamijka doorashooyinka Puntland oo ay ka mid yihiin PDRC, Interpeace, Diakonia, UNSOM, UNDP, FBA, Build Up iyo Oslo Center ayaa shir ku yeeshay magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay howlaha hay’adahan ay ku taageerayaan barnaamijka hannaanka doorashada Puntland. Waxa kale oo shirkan looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha jira iyo sidoo kale meelaha loo baahan yahay in la xoojiyo.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay wakiillo ka kala socda Safaaradda Sweden ee Kenya qaybta Soomaaliya, hay’adaha qaramada midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah, hay’adda bulshada rayidka ah (PUNSAA), Dalladda ay ku midaysan yihiin saaxafadda Puntland (MAP) iyo wakiillo kale.