Maxay Somaliya ka faa’iideysaa heerka cusub ee la gaarsiiyey hawadeeda?

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO),ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Somaliya.

Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Somaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.

Dowladda Federaalka ee Somaliya,ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Somaliya.

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Somaliya, Axmed Macalin Xasan,ayaa sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Somaliya, in ay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi kolkii hore awood u lahayn.