Yaa keensaday Talyaha cusub Ee Booliska?

Talyaha cusub oo Booliska magacaabistiisa ma’ahan wax ku yimid soo xulid hab Beeleed iyo mid soo jeedin Ra’isalwasaare,sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo Ilo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale khibrad iyo aqoon uu leeyahay laguma soo xulin oo Talyaha cusub khibradiisa ugu weyn ee uu leeyahay waa in uu soo noqday Talyihii Ilaaladii Bashiir Goobe.

Mahad Salaad,ayaa toos usoo xushay una arkaya Nin uu ku shaqaysan karo,isla markaana ka ansaxsaday Golaha Wasiirada,sida xoguhu sheegayaan.

“Beesha uu kasoo jeedo Talyaha cusub waxba kalama socoto magacaabistiisa,waxa kaliya ee uu ku yimid laguna ansixiyay waa rabitaanka Mahad Salaad”Ayuu yiri Sarkaal magaciisa qariyay oo ka tirsan Booliska Muqdisho

Xamse haduu Wiilka Curad ee Xasan ahaa Talyaha cusubna waa yaraankii Mahad Salaad.

Talyaha Booliska Somaliyed micnihiisa rasmiga ah,waa Talyaha Booliska Xamar.