PL oo go’aan ka gaartay Deegaamada Soohdimahooda lagu muransan yahay

WARGELIN GO’AAN.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta ay quseyso go’aan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka gaaray deegaanada lagu muransanaa soohdimahooda deegaan-doorasho ee Cawsane, Habarshire iyo Gooraan.

Kadib wadatashi iyo faalayn ay Magaalada Bosaaso ku yeesheen qaar kamid ah Golayaasha Dowladda,

Waxaa la go’aamiyey

  1. In go’aanka laga gaaray Magaalooyinkaan uu ku saabsan yahay oo kaliya diiwaangelinta iyo codeynta Golayaasha Deegaanka, aysanna wax saameyn ah ku lahayn soohdimeynta Gobolada Haylaan iyo Sanaag iyo Degmooyinka hoos yimaada toona.
  2. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Cawsane la raaciyey Degmada Badhan.
  3. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Habarshire la raaciyey Degmada Badhan
  4. Waxaa diiwaangelinta iyo codeynta dadka degan Magaalada Gooraan la raaciyey Degmada Xingalool.

Iyadoo la raacayo qawaaniinta Puntland, Dowladda ayaa kadib doorashada Degmooyinka, waxay dib u eegis ku sameyn doonta soohdimaha Degmooyinka cusub ee Puntland si loo dhammeystiro kala xadeynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland.

Fulin wacan.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.