FBI-da Maraykanka oo burburisay Shabakad ka jirta dhanka Intarnedka oo baad qaadata

Maraykanka ayaa tallaabo adag ka qaaday shabakad caalami ah oo ka dhisan dhinaca internetka, taas oo lacag ka badan $100 milyan oo dollar oo madaxfurasho iyo baad ah ka qaadatay boqollaal qof oo dhibbane ah oo ku kala nool daafaha caalamka.

Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku, hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI ayaa muddo bilo ah ku dhex jirtay shabakaddan.

Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shabakaddan oo la magac baxday Hive ay bartilmaameedsatay in ka badan 1,500 oo dhibbanayaal ah, oo ay ku jiraan cusbitaallo, iskuulo iyo shirkadaha dhaqaalaha oo ku kala yaalla in ka badan 80 waddan. Saraakiisha ayaa sheegay in qofkii ugu dambeeyey ee ay bartilmaameedsadaan inuu ku noolaa gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Saraakiisha FBI oo haystay amar maxkamadeed ayay u suuro gashay inay gudaha u galaan computer-ada shirkaddan bishii July ee sannadkii 2022, iyaga oo si qarsoodi ah u qabsaday furayaashii sirta ahaa ee lagu qarinayey macluumaadka.

Hawlgalkan dhinaca Internetka ah ee lagu beegsanayey shabakaddan ayay iska kaashadeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, Jarmalka iyo Holland.

VOA.