Suuriya oo halis ugu jirta in ay ka dilaacdo Gaajo daran

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP,ayaa ka digtay in tirada ugu badan ee dadka ku nool Suuriya aysan haysan cunto ku filan.

Ka dib markii ay ku soo jireen in ka badan Toban sano oo colaado ah, hay’adda Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ku dhawaad Saddex Milyan oo Suuriyaan ah ay hadda halis ugu jiraan Gaajo.

Nafaqo darida hooyada iyo caruurtooda,ayaa ku sii badanaysa xawli aan horay loo arag.

Agaasimaha fulinta ee WFP, David Beasley, ayaa ka digay in ay jiri karaan mowjado kale oo tahriib ah, haddii aysan beesha caalamku u kicin sidii ay u caawin lahayd shacabka Suuriya.

Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay in Boqolkiiba sagaashan dadka siddeed iyo tobanka Milyan ah ay ku nool yihiin faqri. Dhaqaalaha waxaa burburiyay colaado, abaaro, daacuun, masiibada Covid-19.