Ardeyda ku biireysa Jaamacadaha Itoobiya oo tiradoodu hoos u dhacday

Kaliya 3% Ardayda kasoo baxday Dugsiyada Dalka Itoobiya, ayaa ku guulaystey darajooyin ku filan, oo ay Jaamacad ku geli karaan,ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Berhanu Nega, oo natiijada imtixaanadii u danbeeyay ku tilmaamay mid laga naxo.

Wax imtixaan ah lagama qaadin Gobolka Tigreega ee ay colaaduhu ragaadiyeen, halkaas oo dowladda federaalku aysan wax waxbarasho ah bixin muddo labo sano ah.

Waxaa kale oo muran ka dhashay wakhtiga la qaadayo imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardayda ku nool deegaamada,ay sida weyn u saameeyeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Waqooyiga Wadanka, oo ay ka mid tahay Gobolka Axmaarada, oo la sheegay in 12,000 oo Arday ah ay sameeyeen bannaan bax.

Qishka iyo wax isdaba marinta,ayaa ragaadiyay imtixaanaadkii hore ee dalka Itoobiya,sidaas darteed markan waxaa si adag loo ilaalinayay Jaamacadaha Dalka oo dhan bishii Oktoobar ee ina dhaaftay.

“Nidaam cusub,ayaa la dajin doonaa, si arday badan looggu helo Jaamacadaha,oo dib looggu celinayo imtixaanka maaddooyinka dhibcooyinkoodu uu hooseeya”Ayuu yiri Berhanu.