Maxaa looga xaajooday fadhiga Golaha Shacabka Fadaraalka?

Muqdisho, Janaayo 28, 2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa; 1)Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Furitaanka Aayadaha Qur’aanka kariimka maanta waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqriyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo Aqiryaan Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee maanta loo qeybiyay.