Shaqaalaha Diiwaangelinta Gobolka Sanaag oo tababar loo furay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa maanta magaalada Badhan ee Xarunta gobolka Sanaag tababar uga furay shaqaalaha diiwaangalinta codbixinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka Shacayb-doona goobaha diiwaangalinta Gobol ee Sanaag oo ka mid ah Saddex-da Gobol ee Wajiga 2-aad ee diiwaangelintu ka dhacayso.

Cabdirixmaan Cabdillaahi Jaamac Dayax oo ka mid ah xubnaha saree e Guddiga, Xoghaya Guud ee Guddiga Marwo Ubax Abshir, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdirixmaan Suldaan iyo Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guddiga,ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay si fiican uqaataan tababarkan lagu barayo habka diiwaangalinta iyo qaabka ay udiiwaangalinayaan codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah.

Daahfurka Tababarka waxa kasoo qaybgalay Maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Badhan, Guddoomiye Kuxigeenka PUNSAA, Odayaasha iyo masuuliyiinta Gobolka.

codkaaguwaaxaqaaga

codkaaguwaamustaqbalkaaga