Talo ku socota Garaadada Beesha Dhulbahante Ee Laascaanood ku shiraya

Garaadada Beesha Dhulbahante ee shiraya,waxaa la gudboon in aysan ku dhisin fadhigooda wax Maamul ah.

Waxa Kaliya ee laga rabo,waa……

1.In ay dhisaan Gudiga Difaaca.
2.In ay dhisaan Gudiga Taakulada.
3.In ay ku dhawaaqaan maalin go’an oo loo qabto Ciidamada Somaliland in ay ka guuraan Dhulka Dhulbahante.

Soo jeedintaydaas,waxay ku fadhidaa Sadex arimood oo kala ah….

1.In Beesha Dhulbahante isku duubnideeda hada jirta kala dhantaalmayso hadii Siyaasad loo gudbo xiligan xasaasiga ah.

2.In Somaliland aan loo jeexin Wado ay ku bilowdo dagaal,iyadoo ka dhiganaysa msrmarsiiyo Maamul Sharcidarro ah baan la diriraynaa.

3.In uusan lumin furaha xoraynta oo hada ah Beel kacdoon samaysay oo Dhulkeeda utashanaysa,taasoo Somali iyo Shisheeyaba ka gadantay.

Waxaa la joogaa markii ay talin lahaayeen haldoorka Dhulbahante.

Jibril Qoobey.