Dowlada Itoobiya oo mamnuucday inta badan Tv-yada Somalida iyo BBC-da Laanteeda Af Somaliga

Dawladda Itoobiya ayaa ka mamnuucday Deegaanka Soomaalida in ay ka hawl-galaan 14 Telefishan iyo idaacadda BBC Somali,

Waxaana Dawlada Itoobiya Sheegtay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (Ethiopian Media Authority).

Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa warqad ay usoo dirtay Deegaanka Soomaalida ayaa lagu faray in ay albaabada u laaban warbaahinta dalka dibadiisa ee aan fasaxa haysan.

Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida ayaana amaarkaas fulisay,waxaana shaqadii laga joojiyay 14 Telefishan iyo Idaacada BBC ee Soomaaliga.

Ku: Dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee Fasaxa haysan ka na hawlgala DDS.

Ujeedo: Shaqa joojin
………………….
Xafiiska Warfaafinta Dawalada Deegaanka Soomaalida oo tix raacaya warqada ka soo baxday Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) ee sumadeedu tahay EMA/2032/1038, kuna taarikhaysan19/5/2015 T.I

ayay wakaaladu ku wargalisay Xafiiska Warfaafinta DDS in shaqada si dagdag ah loo ga joojiyo dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay iyo wakiila wareedyadooda, maadaama ayna fasax ama ruqsad ka haysan Wakaalada maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority).

Sidaas darteed Xafiiska Warfaafinta DDS laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 20/05/2015 T.I waxa lagu wargalinayaa dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee aan fasax iyo ogolaasho haysan in ay ka shaqayn karin Dawlada Deegaanka Soomaalida.

Halkan ka akhriso:-