Faallo:-Arooskii Gabadha Geelle iyo kulankii Heritage,jawaab miisaaman waxaa unoqday Laascaanood

Kulamadii Jabuti ee Arooska Gabadha Geelle iyo Heritage,waxaa jawaab miisaaman unoqday Laascaanood waxa ka socda.

Aragti ahayd Fadaraalka aan ubadalno Somaliya iyo Somaliland oo Beesha Isaaq oo hogaaminaysa reer Waqooyi iyo Beesha Hawiye oo hogaaminaysa Koonfurta aan ha heshiiyaan,waxaa Dhulka ku jiiday Kacdoonka Laascaanood.

Dastuurka oo lagu sameeyo Qurba siro,iyadoo laga dhigayo mid ugaar ah Koonfurta,waxaa soo afjaray Kacdoonka Laascaanood.

Hankii Gooni goosadka,waxaa macno tiray 30-sano kadib Kacdoonka horgal laynta ee Laascaanood oo Shalay haday macno ahaan SL u ahayd Beesha Isaaq Maanta ficil ahaan ayay unoqotay.

Haduu jiro Ilduuf Siyaasadeed Qarnigan ka dhacay Somaliya,waa midka qabsaday Somaliland.

Laascaanood waa looga adkaaday SL oo fashil rasmi ah oo aysan kasoo kaban karin ayay dhex fadhidaa,sida xaalku yahay kuma eegan karto haday dagaallantana uga sii daran.

Ugu yaraan gudaha Magaalada,waxaa galay 900 oo Askari iyo 30-Tikniko ah,Saadka iyo Lacagtuna waa sareeyaan.

Laascaanood waa ka weyn yahay waxa ka socda intaad malayn karto oo Casharro Siyaasadeed Jaamacadaha lagu qaadan doono,ayaa ka dhacay.

Daarood Siyaasada Somaliya ma diidin Asal ma doorshe ah loogama dhigi karo.!!

Jibril Qoobey.