Maraykanka oo noqday deeq siiyaha ugu weyn Ee Somaliya

Danjire Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku joogta magaalada Muqdisho,ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41-Milyan oo dollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Somalida,looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Somaliya waa mid aad u xun”Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

“Isku darka xiisadda cimilada,dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID iyo colaadaha,sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee Macaluul dib ugu soo celiyey Somaliya” ayay raacisay hadalkeeda.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka,Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman,Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas,” Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

Tan iyo bilowgii sannad-maaliyadeedka ee 2022-ka, Mareykanka waxa uu Somaliya ku deeqay 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah naf badbaadin ah. ah.

Maalgelinta Maraykanka,ayaa sannadkii hore ka ahayd in ka badan 80 boqolkiiba hawlgallada degdegga ah ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Geeska Afrika.

Kaalmada Mareykanka ee Somaliya,ayaa Afar jibaar ka badan midda dalalka kale ee caalamka, waxaana gargaarkaasi dadka Somaliyed gaarsiiyay Cunnto,Biyo iyo Hoy.