Odayaal Dhaqameed la macaamilay Alshabaab oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa xukun Xabsi Shan Sano ah ku riday Saddex Odey dhaqameed, oo loo haystay inay heshiisyo la galeen Ururka Al-Shabaab.

Saddexda Nabadoon oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid Dowladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin Ururka Al-Shabaab.

Xukunka Maxkamadda, ayaa waxa kaloo kamid ah, in marka ay dhameystaan Xabsiga shanta sano ah, uu Boolisku la socon doono dhaqdhaqaaqooda.

Odayaasha,ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay maanta.

Nabadoonnada la xukumay, ayaa 27 kii Diisembar laga soo xiray magaalada Cadaado, kadib markii ay heshiis kula soo galeen Al-Shabaab magaalada Xarardheere, kahor inta aanay gacantooda ka bixin.

Heshiiska,ayaa waxa kamid ahaa in lasii daayo dad ka badan Lixdan Qof oo kooxda Al-Shabaab ay haysatay, iyo in gaadiidleyda reerka Cadaado dagan loo fasaxo inay ka shaqaysan karaan dhulka ay xukumaan kooxdu.

Taa badalkeeda Odayaashu waxay oggolaadeen Qoddobo ay kamid ahaayeen in deegaannadooda aan loogga duulin kooxda, iyo in maleeshiyo beeleedyadooda ka reebaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.