Turkiga iyo Pakistaan oo si adag uga hor yimid Quraan gubista Siyaasiga reer Denmark

Turkiga iyo Pakistan,ayaa si adag uga falceliyay ficilkii jimcihii Rasmus Paludan uu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku gubay bannaanka misaajid ku yaalla Magaalada Copenhagen iyo Afaafka hore ee Safaarada Turkiga uu ku leeyahay Dalka Denmark.

Ka dib markii ay arrintan dhacday,waxaa Safiirka Denmark looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga, halkaasoo mas’uuliyiinta Turkiga ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha la siiyey Rasmus Paludan ee uu ku samaynayo falkan daandaansiga ah oo si cad u muujinaya nacaybka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay Paludan inuu yahay…

“Shakhsi neceb Islaamka,waxayna ka xuntahay in loo ogolaaday inuu banaanbax noocaas ah sameeyo”.

Ka dib falkii Paludan ee Sweden ee Todobaadkii hore, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu uga digay Stockholm inaysan rajeynin taageerada dalabkeeda NATO.

Turkiga ayaa sidoo kale muddo aan la cayimin dib u dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels kaasoo looga hadli lahaa xubinnimada Sweden iyo Finland.

Dhanka kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan,ayaa soo saartay bayaan ay si adag u cambaaraynayso arrintan, waxaana lagu yiri…

“Pakistan waxay si adag u cambaaraynaysaa falkii ceebta iyo gardarrada ahaa ee lagu gubay Qur’aanka ee Denmark,Sababo la xiriira Islaam nacybka,iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale fal sharaf dhac ah uu ka dhacay Sweden”.