Video:-Nigeria oo yeelatay Dekeda ugu balaaran Qaarada Afrika

Madaxweynaha Nigeria,ayaa xariga ka jaray Deked noqonaysa mida ugu weyn Afrika.

Dekedan,waxaa dhisay Shirkado Shiinays ah,waxaana ku baxay Bilyan Dolar ah.

Waa mida ugu weyn Afrika ee shixnaduhu ku kala gooshaan,waxayna abuuraysaa Shaqooyin gaaraya 270-Kun.

Sida la filayo waxay culayska iyo ciriiriga ka kala dajin doontaa Dekedaha kale ee Nigeria.

75% waxaa leh Dhaqaalaha Dekedan Shirkado Shiinays iyo Singspore iskugu jira,halka 25% ay wada leeyihiin Maamulka Lagos iyo Dowlada Dhexe ee Nigeria.

Shiinuhu waa maalgashadaha ugu weyn xiligan ee Nigeria,isagoo maslgashtay Tareenada iyo Korontada.

Nigeria waxay safka hore uga jirtaa Wadamada Afrika ugu awooda badan dhaqaale ahaan,Dhul ahaan,Dad ahaan iyo Ciidan ahaanba.

Halkan ka daawo muuqaalka