Video:-W.xigeenka Warfaafinta Dowlada Fadaraalka oo sheegay in la dilay ku dhawaad 100-Shabaab ah

Cadiraxmaan Al-cadaala ayaa sheegay in ciidamada NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay howlgalkan ka sameeyeen deegaanno u dhow degmada Jannaalee ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegan in weerarkan lala beegsadan goob ‘ay maleeshiyada Al-shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay doonayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed.’

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,ayaa intaa ku daray in weerarkan lagu dilay Saddex ka mid ah horjeegeyaasha Al-shabaab, kuwaas oo uu magacyadooda ku sheegay Salmaan Dheere oo u qaabbilsanaa howlgallada xeebaha, Macallin Saalaxey iyo Macallin Xaashi, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen bartimaameed lala socoday,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka