Xasan Shiikh oo ka codsaday Maraykanka in uu ka garabsiiyo laalida cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya saaran

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wefti ay hoggaaminaysay Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somaliya Larry Andre.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliya,ayaa lagu yiri..

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa la wadaagay Danjire Linda-Greenfield Thomas, hawlgallada Ciidamada Somaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo deegaanada ay illaa haatan xoreeyeen, isaga oo ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka, gacanta ballaaran ee ay ka geysteen la dagaallanka kooxda al-Shabaab, isagoo tilmaamay halista ay argagixisadu ku hayso Gobolka.

“Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya si dib loogu dhiso Ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Somaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Somaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey”.Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Villa Somaliya.