Dowlada Fadaraalka iyo Maamulada Jubaland iyo Koonfur-galbeed oo isku khilaafay hawlgalkii la dagaallanka argagixisada

Gulufkii lagu qaadi lahaa argagixisada Deegaamada Jubaland iyo Koonfur-galbeed,waxaa xanibay isfahan waa ka dhashay Ciidamada ka qaybgalaya.

Dowlada Fadaraalka waxay rabtaa Sadex qaybood in Ciidamada loo qaybiyo oo kala ah..

1.Ciidanka Dowlada Federaalka.

2.Ciidanka Dawlad Goboleedka.

3.Ciidan Deegaanka ah kana kooban Qabiilada

Waa dhab JL iyo KG,waxaa ka jira nidaamyo ay tahay in looga danbeeyo Deegaamadaas shaqo walba oo laga qabanayo.

Macawisley loogama baahna Jubaland iyo Koonfur Galbeed hadii dagaal lagu qaadayo argagixisada waa in Maamulada ka hawlgalaan oo la taageeraa.

Doodaas waa dhaxalgal oo Deegaamadii Hir-Shabelle iyo Galmudug ee laga hawlgeliyay Macawisley waxba lagama faa’idin dagaalkii argagixisadana habac baa ku yimid.

Beesha caalamku waxba kama hagran dagaalka,waxaase fashilinaya qorshe xumada ay la timid Dowlada Fadaraalka ah.

Talo soo jeedinta JL iyo KG?.

Ugaas Cumar hadalkiisa dhan markii laga eego waa macquul loo hakanayo.

Dhanka kale marka laga eego ma gadmayo.

Ugaas Cumar inta uu sheegay waa aragtida Axmed Madoobe iyo Beeshiisa hoose qabaan.

Aragtidaas mid la mid ah waxaa qaba Lafta gareen iyo beesha Xariin.

Maamulada JL iyo KG hada hogaamiya,waxaa laga rabaa in Ciidamada,Hubka iyo dhaqaalaha lagula dagaallamayo argagixisada dhamaan Beelaha laga qaybgaliyo oo ay awooda iska dhex arkaan.

Ma soconayso Beesha Madaxweynayaasha,ayaa Hubka haynaysa inta kalena Shacab ayay ahaanayaan la xukumo.

Hadaan la helin Ciidan Dadka JL iyo KG wada matala,waxaa khasab noqonaysa in Xasan Shiikh Beeluhu ugalaan oo la hubeeyo,iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo dagaalka argagixisada.

Halkan ka daawo muuqaalka hadalka Ugaaska