Xaaskii Cabdiqaadir Muumin oo lagu xukumay 8-Sano oo Xabsi ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 8 oo xabsi ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen, oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Fartuun oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ay tahay xaaska horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabduqaadir Muumuin.

Haweeneydan,ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay kasoo qabteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Muqdisho, 21-kii March 2022.

Maxkamadda,ayaa sidoo kale sheegtay in Fartuun ay kooxda Daacish u qaabilesaneyd dhanka maaliyadda, islamarkaaana uu xeriir shaqo kala dhexeeyay Bilal al-Sudani, oo ka mid ah madaxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo 27-kii Janaayo lagu dilay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari.

“Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda.

Maxkamadda,ayaa intaas ku dartay in Fartuun ay sidoo kale marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada Muqdisho ku dhuumaalaysta ama kuwa ku cusub.