Biden oo meesha ka saaray in diyaarada F-16 uu udirayo Ukraine

Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in aanu taageersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine, taas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in ay la wareegto maamulka hawadeeda, ku dhawaad sanad kadib markii uu Ruushku uu ku duulay Ukraine.

Biden,ayaa hadalkan kooban jeediyay mar ay wariyayaashu su’aalo weydiiyeen xilli uu ka baxayay Aqalka Cad.

Dalabka Ukraine,ayaa noqday mid aad loo hadal hayo kadib markii Washington ay ka laabatay diidmadeeda muddada dheer ee ahayd in Taangiyada Mareykanka loo diro Ukraine .

Diyaaradda F-16 Falcons,ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee lagu kalsoonaan karo caalamka, waxaana adeegsadaa dalalka sida Belgium iyo Pakistan.

Halkan ka daawo muuqaalka