Tayaynta Ciidamada Bada Puntland oo si dardar leh ku socota

Saraakiisha Ciidanka PMPF, gaar ahaan qaybta la socodka hawlaha Badda ayaa qayb ka ah tababar soconaaya muddo 14 casho ah oo ay soo qaban qaabisay EU-CRIMARIO iyo EUCAP Somaliya ee ka hawl-gala Baddaha Dalka.

Tababarka,ayaa lagu baranayaa nidaamka AIS-Automatic Identification System iyo IORIS, kaas oo wax badan ka taraya la socoshada badqabka marinka Biyaha Puntland.

Arrintan,ayaa qayb ka ah hab-raaca cusub ee tayaynta Ciidamada PMPF.