Lix Qodob oo macno tiray Shirka Somaliya iyo Madaxda Wadamada Ciidamadooda joogaan Somaliya

Shirka waxaa wadata Dowladda Mareykanka oo dooneysa in Wejiga Labaad ee Dagaalka Alshabaab ka dhanka ah ay ATMIS ka qeyb noqoto.

Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab Wajigiisa Labaad,waxaa lagu xoreynayaa Galbeedka Webiga Shabelle.

Shirkan,waxaa kaloo taageero Siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku bixinaya Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirkan,waa macno beelay markii si sax ah loo dul istaago.

1.Sida deg-dega ah ee isla saakaba looga soo saaray Warmurtiyeedka.

2.Amniga Muqdisho oo aan la’isku hallayn karayn,isla markaana Saaka Hoobiye-yaal lagu garaacay Garoonka diyaaradaha,waxaa ku gubtay Haamo Shiidaal,iyadoo uu ku dhaawacmay Qof Ajanabiya.

3.Madaxwaynaha Uganda & Burundi oo iska diiday kasoo qayb galka Shirkan.

4.Eritrea oo la doonayey in ay ka qeyb noqoto Shirka,waxaa hor istaagtay Jabuti.

5.Shirka oo ahaa Waddamada Ciidamadu ka joogaan Somaliya (Troop Contributing Countries) ayaa markii Ugaanda Shuruudo ku xirtay loo beddelay Shirka Waddamada deriska ah (Front Line Countries)

6..Amniga Shirka oo ay sugayeen Ciidamada Uganda Forces ATMIS CHAPTER SECTOR 1,iyadoo laga fogeeyay Ciidamada Somalida oo idil,taasoo meesha ka saartay Qabkii Xasan ka dhex raadinayay ku qabsoomida Shirkan ee Muqdisho.

Waxa ugu weyn ee Shirkan laga tilmaami karo ,waa in mudo xileedkii Labaad ee Madaxweyne Xasan ay Madaxdan iskugu timid Muqdisho.

Jibril Qoobey.