Abiy iyo Tplf oo markii ugu horraysay isa soo hor fariistay

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa maanta kulan la yeeshay wafti tplf ah.

Weftiga tplf,ayaa waxaa ka mid ahaa xubno sare oo muhiim ah,kuwaasoo kala ahaa…

1.Getachew Reda
2.Lt. Gen. Tsadikan.
3.G/Tinsay.

Kulanka,ayaa qayb ka ahaa dardargelinta Geeddi-socodka Nabadda ee Dowlada Dhexe iyo tplf.

RW Abiy,ayaa amray adeeg dheeriya oo loo sameeyo Gobolka Tigree kulanka kadib,waxaana ka mid ah adeegyada la siyaadiyay..

B.Duulimaadyada.
T.Bangiyada.

Sidoo kale,waxaa kulanka layskula fahmay qorshayaal kor u qaadaya kalsoonida oo salkoodu yahay fududeynta nolosha dadka rayidka ah.

Kulankaas muhiimka ah ee ay markii ugu horaysay isku soo hor fariisteen Abiy iyo hogaamiyayaashii tplf ee colaadii dhexmartay ay ku naf waayeen Milyan Qof Dad ku dhow,ayaa ka dhacay Halela Kella.

Waa kulan taariikhiya oo wata saamayntiisa dirayana fariimo xoog leh oo kala duwan.

Labada dhinacba,waxuu uyahay guul Siyaasadeed iyo guul Milleteri markii la qiimeeyo hadafyadii ay ka duulayeen.

Balse,waxaa jira garab walba wax uu lumiyay aqbalayna in uusan gaari karin.

Ugu danbayn Itoobiya waxay kusii siqaysaa in ay kasoo afjaranto mid ka mid ah colaadihii ugu xumaa taariikhdeeda.

Jibril Qoobey.