Halkee maraysaa diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashooyinka Puntland Ee Sanaag iyo Haylaan?

Guud ahaan Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayay diiwaangelintu si habsami leh uga socotaa Maalinkii 5-Aad.

Badhan,Dhahar,Xingalool,Buraan,Baraagaha Qol,Hafaaftimo,Laasqoray,Ceelaanyo iyo Durduris ayay Diiwaangelinta Cod bixiyayaashu si wacan iskugu duba dhacsan tahay.

Dadku waxay muujiyeen rabitaan iyo Wadaniyad.

Usoo bixida Diiwaangelinta ee Gobolladan waxay Bulshadu u isticmaashay awood ay ku muujinayeen in ay ku faraxsan yihiin ka mid ahaanshahooda Puntland iyo in aysan meelna kasoo gelin gooni goosatada Somaliland.

Nidaamka Puntland guul taariikhiya oo istirastiijiya,ayuu ka gaaray in diiwaangelintu si buuxda uga hirgasho Sanaag iyo Haylaan.

Jibril Qoobey.