Kobaca Dhaqaalaha Maraykanka oo kor ukacay abuurayna Shaqooyin door ah

Warbixin cusub oo laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bishii January ee dhowaan dhamaatay in la abuuray illaa 517,000 oo shaqo taasoo ah, arrin sawir fiican ka bixinaysa heerka koboca dhaqaalaha, xilli uu bangiga dhexe ee Maraykanku uu isna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ah.

Heerka shaqo la’aanta Maraykanka ayaa haatan hoos ugu dhacday illaa 3.4%, waana heerkii ugu hooseeyey ee ay gaadho muddo ku siman nus qarni.

Warbixintan oo ay soo saartay dawladda Maraykanka ayaa intaas ku dartay in arrintani ay sawir fiican ka bixinayso, koboca suuqa shaqada ee Maraykanka, iyo heerka shaqo la’aanta oo hoos u socda, halka dad koobani ay haatan shaqooyinkooda ka fadhiisanayaan, taas bedelkeedana ay jiraan shaqooyin badan oo banaan oo la heli karayo.

Shaqooyinka la abuuray bisha January ee sannadkan ayaa ka badan illaa 269,000 oo shaqo, marka la barbardhigo shaqooyinkii la abuuray bishii December ee sannadkii hore.

Shirkadaha ayaa haatan raadinaya shaqaale badan, halka ay ilaashanayaan shaqaalohooda ay haatan haystaan, maadaama suuqa shaqadu uu xaami yahay oo tartan adagina ka jiro.

Inkasta oo qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee ka ganacsada tiknoolojiyadda sida Microsoft, Amazon iyo Google ay eryeen shaqaale badan, haddana, shaqaalaha ayaa haatan ku naaloonaya shaqooyinkooda oo ammaan ah ama aanay ka baqaynin in debedda la dhigo.