Madaxweyne Deni oo aqbalay waxgarad dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay Dowlada iyo Aaran-shaydaan

10-Oday oo reer Nugaaleed ah,ayaa is xilqaamay,waxayna utageen Xalay Aaran-shaydaan iyo kuwa la socda,way xakameeyeen oo waa lasoo ballameen.

Kadib waxay la xiriireen Madaxweynaha isaguna waa aqbalay dadaalkooda.

Waxgaradkaas waxay Deni ugudbiyeen Shuruud ay Aaran ku xireen wada xaajood laysku soo hor fariisto oo ahayd in la hakiyo tababarka Shaqaalaha Diiwaangelinta Gobolka Nugaal,taasoo Madaxweynuhu aqbalay.

Saakay Laba Gudi oo Labada dhinac ah ayay Waxgaradku Qado iskugu ballamiyeen,kuwaasoo kala ah..

Dowlada”

1.Wasiirka Arimaha Gudaha.
2.Wasiirka Qorshaynta.
3.Duqa Magaalada.
4.Talyaha Booliska.

Aaran iyo Dadkooda”

1.Maxamuud Shido.
2.Xasan Shire.
3.Maxamed Faroole.
4.Cabdi Yare.

Dadaalkaas waxgaradka ee muujiyay in aan leenahay Caqli nakala badbaadin kara in uu guulaysto,ayaan urajaynayaa….

Jibril Qoobey.