Maxay ka dhigan yihiin Qodobada ay soo saareen Gudiga Puntland Ee khilaafka Dowlada Fadaraalka?

Qoraalkan wuxuu bilow ka yahay tabashooyinka Dowladda iyo Shacabka Puntland ay kala kulmeen Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

Tabashooyinkaas waxay isugu jiraan kuwo siyaasaddeed, dhaqaale, bulsho iyo wadatashi la’aan.

Dowladda PL waxay qeyb weyn ka ahayd ka hortaggii damacii Md Farmaajo ee lagu badbaadiyey Dalka gaar ahaan Amniga Caasimadda.

Shacabka iyo Dowladda Puntland sidii ay ugu hanweyned doorashada Md HSM loogama helin rogaalkii ay mudnaayeen reer Puntland.

Waa fursad weyn in wadahadalaas si dhab ah looga tashto.

Waxay si gaar ah fursad ugu tahay Md HSM oo midnimada siyaasadeed iyo wadajir ee dalka u dhaartay.

Haddii dariiqa ciriiriga ah ee qabyaaladeysan, halka Xisbi ah ee uu hadda Kabaha u toshaday uu ku sii joogo,Puntland siyaasad iyo dhaqaaleba way ka maarmi doontaa..