Maxay yihiin Qodobada fashilin kara heshiiska Laftagareen iyo Mucaaradka?

Qodobka ah Wasaarada arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib-uheshiisiinta ayaa dhaqan galinayso heshiiska qodobada kor ku xusan waa midka fashilin doona in doorashada Koonfur galbeed ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyay.

Dal Federaal ah wasaarad arrimo gudo uma baahno kamana shaqeeyso. Dowladda Koonfur galbeed waa ogtahay arrintaas, waxayse u muuqata inay kaga gudbayeen xaalada taagan.

Su’aal kale waxay noqon doonta haddii wasaarada arrimaha gudaha aysan door ku yeelan karin doorashooyinka Puntland iyo Jubaland sidee door ugu yeelan kartaa Koonfur galbeed?

Mida kale Wasiir Fiqi waxaa Ra’iisul Wasaare u ah Xamsa oo horay dowladii Farmaajo uga diiday in ay qayb ka noqdaan ama maamulaan doorashdii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo heshiiska caqabad ku noqon kara wax walba oo khilaaf kale ah oo aan doorashada khusayn oo ka dhex dhaca dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur galbeed, taaso iyadana si dadban heshiiska u fashilin karta.

Waxaan ku kalsoonahay haddii la raaco sida sharcigu qabo oo waafaqsan nidaamka federaalka, dowladda koonfur galbeed-na aan loola dhaqmin si ka duwan sida loola dhaqmo Puntland iyo Jubaland isla markaanaa aan lagu farogelin maamulkeeda iyada oo la raadinayo dano gaar ah in heshiiska u noqon karo mid xal ah.

WQ:-Oday Somaliyed.