Muxuu uga dhigan yahay Xasan Shiikh heshiiska Koonfur-galbeed?

Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu rabey kama helin Koonfur-galbeed,wuxuuse ka badin waayay,ayuu aqbalay.

Koonfur-galbeed uusan hogaaminayn Laftagareen,ayuu rabey,waxuuse aqbalay Koonfur-galbeed Sanad kale uu sii hogaamin doono si laysla waafaqsan yahay Laftagareen.

Heshiiska kasoo baxay KG haba yaraatee wax dan ah isaga uguma jirin,waase isdaad raacin uu ku khasbanaa.

Madaxweyne Laftagareen,waxuu helay Sanad kale oo uu Xasan Shiikh lasii qaybsan doono mudo xileedkiisa.

Sidoo kale 2024 marka la joogo oo Xasan Shiikh ay uga harsan tahay mudo xileedkiisa Laba Sano,waxuu haystaa Wadooyin uu kusii joogi karo,waxaana imaan doona fursado Siyaasadeed.

Ugu danbayn Madaxweyne Xasan heshiiskan,waxuu uyahay Wado fur uu Baydhabo kaga soo baxo.

Jibril Qoobey.