Dhulgariir ku dhuftay Dalka Turkiga

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftey koofurta dalka Turkiga meel u dhow Gaziantep sida ay sheegtey hay’adda arrimaha dhulka Maraykanka. Dhulgariirkan ayaa dhacay 4:17 daqiiqo ee saaka ka hor waaberigii.

ku dhawaad 18 Km dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirkani.

Dhulgariir kale oo xigey ayaa isna cabbirkiisu ahaa 6.7 waxaana uu ka dhacay meel u dhow isla goobtii hore.

Saraakiisha Turkiga ayaan wali sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, balse muuqaalo la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaayey dhismayaal bur burey dhowr magaalo oo ku taala koofur Bari dalka Turkiga.

Warbaahinta dowlada Turkiga ee TRT ayaa soo gudbisey muuqaalo dhismayaal uu dhulgariirku bur buru u geystey iyo dadweyne banaanaka taagan

Gaziantep ayaa ah goob caan ku ah wax soo saarka warshadaha waxaana ay xuduud la wadaagtaa Syria sidoo kale waxaa laga dareemey dhulgariirkan dalalka Lebnon, Syria iyo Cyprus.

Turkiga ayaa ka mida meelaha ugu badan ee dunidu uu ka dhaco dhulgariirku.