Faahfaahintii ugu danbaysay dagaalka Laascaanood

Iska horimaadyo hubaysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga Deegaanka.

Mas’uuliyinta Somaliland,ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah Odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale mid ka mid ah Odayaasha deegaanka,ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood.

Mas’uuliyiinta isbitaalka Laascaanood,ayaa sheegay iska horimaadkan ay ku dhinteen 13-Qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.