Golaha Shacabka Fadaraalka oo ansixiyay hindise Sharciyeedka Hay’ada Nabadsugida

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS,ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

144-Mudane,ayaa haa ugu coddeysay, Saddex Xildhibaan ayaa ka aamustay halka Hal Xildhibaan uu diiday.

Sidoo kale Talyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad,ayaa u mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ee maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka HSNQ