Madaxweyne Deni oo magacaabay xeer ilaaliyaha Dowlada Puntland

Bosaso: 06 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 10 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yusuf (Taaraan), loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntlnad
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.