Deni oo amray markale in diiwaangelinta la bilaabo

Madaxweyne Deni,ayaa ku amray Gudiga Doorashada in ay bilaabaan diiwaangelinta maalinka beri foog ah.

Gudiga iyo Xubno ka mid ah Xukuumadiisa,waxay kula taliyeen in 3-bilood dib loo dhigo,waase ka diiday.

Diiwaangelinta,ayay ahayd in ay bilaabato Maanta ,balse Madaxweyne Deni,ayaa amray Xalay Saq dhexe in la hakiyo kadib Shaqaaqadii ka dhalatay.

Garowe waxaa ka bilowday guux xoog badan,waxayna ubadan tahay in Dadku Subixii dhigaan Mudaahaaraad balaaran oo ay ku diidan yihiin diiwaangelinta xiligan kusoo aaday.

Dad la laynayo Dadkoodii oo Dhaawac iyo Dhimasho kala guraya kuna mashquulsan gurmad in la yiraahdo Diiwaangelin aada waa yaab.

Guud ahaan Dadka reer Puntland dareenkoodu,waxuu jiraa Laascaanood.

Deni hadalkiisii Maanta iyo amarkiisan ah beri diiwaangelinta hala bilaabo waxay umuuqataa in uu Muuse la shaqaynayo oo weerarka beri la filayo in uusoo qaado hoosaasaniyo.

Jibril Qoobey.