Hot Topics

Faallo:-Dagaalka Laascaanood doorkii Deni,ayuu tabayaa !!

Ugu yaraan 3000 oo Askari iyo 200 oo Gawaarida dagaalka ah oo haysta Saanadii ay ku dagaallami lahaayeen 6-bilood,ayaa ku xiran in ay dhaqaaqaan Amarkiisa oo qura.

Aadbay ufiicnaan lahayd in uu dagaal shaaciyo dhanka Tukaraqna culays ka saaro Nimanka Gooja-cade ku jira.

Maxayse kuugu taal Ciidamo ku dhow 70-Gaari,ayuu Caasimada ukeenay socodsiinta Diiwaangelinta,hadana,waxuu soo amray 30-kale oo Sanaag jooga.

Xerada Ciidamada Badda,ayuu dhex degan yahay oo marna Qoraxda isku dhigayaa marna Badda ku dabaallanayaa.

Si aan Sawir looga qaadin,waxaa xataa Kamerooyinka laga ururshay ilaaladii gaarka ahayd oo hoose.

Taleefoonada Saacad-Saacad buu udaminaya oo udaarayaa oo kuna soo jawaabayaa,waa kugu soo celinayaa.

Marxuumka Siyaasada weeye Ninka aan ka hadlayo.

Jibril Qoobey.