Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudiga Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada Ee Sool

Bosaso: 08 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood.

Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 7-kii Feb 2023 Dowladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.

Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
  2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
  4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
  5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
  6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
  7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
  8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
  9. Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
  10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
  11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
  12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
  13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.