Qarax lala Eegtay koox ka mid ah Gudiga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland

Gudigii Diiwaangelinta Cod boxiyayaasha Puntland qayb ka mid ah,ayaa Qarax lagula eegtay Tuulada Afxarago ee Degmada Ballidhidhin Gobolka Bari.

Inkastoo Gaariga oo ahaa nooca Hilux ay waxyeelo balaaran soo gaartay hadana ma jirto cid ku dhimatay,khasaaraha soo gaaray Gudiga waxuu ku kooban yahay dhaawacyo.

Ballidhidhin waxay ka tirsan tahay Gobolka Bari oo Diiwaangelintiisa 8-beri ka hor lagu dhawaaqay in lasoo afjaray,balse weli usii socota si habaqle ah.

Jibril Qoobey.