Golaha Wasiirada Somaliya oo ansixiyey hanti-dhawraha Guud

Golaha Wasiirada Fadaraalka Somaliya,ayaa maanta ansxiyey in Abuukaate Axmed Ciise Guutaale uu noqdo hanti-dhawraha guud ee Qaranka, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey Xafiiska ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Axmed Ciise Guutaale,ayaa beddelaya Maxamed Cali Afgooye oo xilkan hayey tan iyo 3-dii bishii August 2017, markaasi oo ay magacaabeen Golaha Wasiirada.

“Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xamsa.

Axmed Ciise Guutaale,ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyey Shirkado iyo Hay’ado Warbaahineed wuxuuna madax ka ahaa Earaabinta Mustaqbal Media.Guutaale,ayaa bartay sharciga.