Hay’adaha caalamiga ah Ee ka hawlgala Somaliya oo dalbaday Lacag ka badan $2-Bilyan

Dawladda Fadaraalka Somaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimo ayaa maanta ku dhowaaqay inay u baahan yihiin adduun dhan 2-Bilyan iyo 600 Milyan oo Dollar oo wax lagagaga qabto xaaladda bani’aadannimo ee Somaliya sannadkan 2023-ka.

Hay’adaha,ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu gargaari doono dad dhan 7-Milyan iyo 600 kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya.

Waxay sheegeen hay’adaha gargaarku in Dad dhan 8-Milyan iyo 250-kun oo Qof oo Somali ah oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo Naf badbaadin ah, waxayna ka digeen in macluul ay suurtogal tahay.