Dagaalka Laascaanood waa waajib dhan walba marka laga istaago !!

Dagaalka Laascaanood waa waajib dhan walba marka laga istaago…

1.Waa ilaalinta midnimada Dalka.
2.Waa ilaalinta Midnimada Daarood.
3.Waa ilaalinta sharafta Daarood.
4.Waa ilaalinta Puntland dhan walba.

Deni in uu ka gaabsado oo ku daawado Dadkiisa laynta Maleeshiyada Muuse Biixi ma’ahan wax la aqbali karo.

In sidii Barakacayaashii loo sameeyo Gudi bini’aadan Dad uu qeexayo Dastuurka Puntland waa ilhaamo.

Diiwaangelin iyo Codayn in laga fakaro oo lagu bixiyo dhaqaale fara badan laguna galbiyo Ciidan,iyadoo Laascaanood Madfac ka dhacayo Deni in lagula xisaabtamo,ayuu mudan yahay.

Ciidanku waa in aysan sugin amarkiisa oo ay damiirkooda raacaan.

Jibril Qoobey.